Xukuumadda Somaliya Amar kusoo rogtay Nootaayooyinka Muqdisho iyo Digniin loo diray.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Amar dul dhigtay Nootaayooyinka ka howlgala magaalada Muqdisho, iyagoo uga digtay la macaamiilka AlShabaab.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa u qornaa sida soo scoota:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Caddaaladda & Arimaha Dastuurka
جمهورية الصومال الفدرالية وزارة العدل والشؤون الدستورية
Federal Republic of Somalia Ministry of Justice and Constitutional Affairs

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, Oktoobar 13, 2022:

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxaa soo gaartay cabasho ka timid qaar ka mid ah Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaasoo ka cabanaya in qaar ka mid ah Nootaayooyinka Magaalada Muqdisho ay xogtooda la wadaagaan Ururada Argagixisada, sida Khawaarijta Al-shabaab taasoo ah faldembiyeed weyn.

Haddaba, Wasaaraddu waxay u gudbisay Hay’adaha Amniga Qaranka cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen si baaris loogu sameeyo dhacdooyinkaas. Wasaaradda iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ku qeexan xeerka Nootaayooyinka waxay ruqsadda kala noqoneysaa Nootaayooyinka lagu helo fal-dembiyeedyo lid ku ah sharciga.

Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan mas’uuliyiinta leh nootaayooyinka dadweynaha in xogta macaamiishooda oo ay la wadaagaan Argagixisada tahay fal-dembiyeed weyn oo xad-gudub ku ah shuruucda iyo dastuurka dalka, falkaas oo noqonaya gacan-siin ama la-shaqeyn argagixiso oo cad.

Qof kasta oo lagu helo gacan-siinta argagixisada wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku qeexan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) iyo Xeerarka kale ee dalku leeyahay.

Wasaaaraddu waxay ogeysiinaysaa dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la kulma tacadiyo ku aaddan in xogtooda lala wadaago argagixisada ay si toos ah ugu soo gudbiyaan cabashadooda Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xukuumadda JFS.