Inna Lillahi wa ina illeyhi rajicuun .

Ma dhinte waa Alle, Waxaan dhammaan Ehelka, Qaraabada, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida xannuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Dhanka kale Abwaan Hadraawi waxa uu ahaa Abwaannada fara ku tiriska ah ee Qowmiyadda Soomaalida uga tegi doona dhaxal iyo dhigaal aan duugoobeyn, waxa uu ahaa sama-talis, Philosopher, Macalin bulsho, indheergarad iyo keyd Umadda Soomaaliyeed ay wada lahayd, waxa uu ahaa Shakhsiyad noloshiisa oo dhan u huray u halgamidda Caddaaladda bulshada iyo qiimeynta samaha Aadamaha oo idil, Ilaahay waxa aan uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa ha ka waraabiyo. Aamiin