TAARIIKHDII GARSOORE CUSMAN M, XALANE .

Waxaan maanta daalacaneynaa mid ka mid ah kuwii ugu wanagsanaa garsoorayaasha soo mara Ummadda Soomaaliyeed,shaqsi ku caan baxay in uusan ka leexanin waxa uu mar kastaba sharciga tilmaamaayo,Garsoore lagu yaqaan go’aan qaadasho wanagsan oo ku saleysan qeynuunka lagu kala hago

Isboortiga,rug cadaa bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed abaal ma guuraan ah u hayso….kaa waxa weeyey Garsoore Cusmaan Maxamud Xalane oo lagu naaneyso Cusmaan Xarash oo aan maanta ku soo qaadaneyno Barnaamijka Xusuustii Xiddigihii soo maray Isboortiga Soomaaliyeed oo aan hore ugu soo qaadanay Halyeeyo magac iyo maamusba ku leh Isboortigeena.

Halyey Cusmaan Xarash waxa uu ku dhashay Magaaladda Muqdishu gaar ahaan Degmadda Bondheere,waxaase uu ku soo barbaaray Degmadda Wardhiigley,waxaana uu waxbarashadiisii Quraanka,Dugsiga Hoose,Dhexe iyo kan sareba ku soo dhameystay Magaaladda Muqdishu,Waxaase Cusmaan Xarash yaraantiisii lagu xasuustaa in uu ahaa mid aad iyo aad u jecel ka qeyb galka Ciyaaraha siiba Kubadda Cagta oo uu ka gaaray illa heerka Seire Bda isagoo ka mid ahaa kuwa ugu wanagsan dhalinta ay wada Ciyaari jireen,waxa uu aad ugu dheereeyey Xukumaada Kubadda,Laadka xorta ah iyo isku dhiibka Kubadda oo aheyd mid looga dambeeyey.

Halyeega Isboortiga Soomaaliyeed Cusmaan Xarash waxa uu u wareegay xagga Garsoorinimadda sanadku markuu ahaa 1975 isagoo ka qeyb galay Tababar lagu baranaayey Garsoorinimadda Kubadda Koleyga,waxaana uu dhameystay heerarka kala duwan ee 3aad,2aad iyo 1aad,waxaana durbadiiba uu ka mid noqday Garsoorayaasha ugu wanagsan ee Kubadda koleyga,waxaana ay dadwaynaha xiiseeya Kubadda Koleyga ay ku amaani jireen sida hufan uu Garsoora u qabto,isagoo logu aamino Ciyaarha ad adag taa oo keentay sida uu ugu adkaa fulinta Sharciga Kubadda Koleyga,taa oo keentay in sanadkii 1985tii uu ka mid noqdo Garsoorayaasha caalamiga ah ee ka Diwaan gashan ururadda FIBA iyo AFABA,waxa kaloo Cusmaan Xarash uu ka soo qabtay xilal kala duwan Guddigii Garsoorayaasha isagoo soo noqday Xoghayaha Guddiga Garsoorayaasha Kubadda Koleyga oo uu intii uu haya lagu tilaabsaday horumar aad iyo aad wanagsan,taa waxa u dheereed in uu tababar Garsoorinimo ka furay Magaalo Madaxda Muqdishu iyo Goboladda Dalka isagoo soo aflixiyey Garsoorayaal badan ee Kubadda Koleyga oo maanta lagu xusuusto waxa u u soo qabteen Horumarinta Kubadda koleyga.

Halyey Cusmaan Xarash….Madaama uu ahaa shaqsi dhiigiisa uu ku shaqeeyo Isboortiga ayaa sanadku markuu ahaa 1983 waxa uu ka qeyb galay Tababar lagu baranaayo Garsoorinimadda Kubadda cagta isagoo dhameystay heerarka kala ah 3aad,2aad iyo 1aad,muddo yar ka dib waxa uu noqday Garsoore caalami ah ee ka diwaan gashan Xiriirka Kubadda cagta ee Addunka oo marka la soo gaabiyo la yiraahdo FIFA,waxaana uu Cusmaan Xarash ku caan baxay adadag dhinaca Garsoora,waxa taa u dheereed firfircoonida iyo qaabka garsooridda,taa uu ku muteystay in uu noqdo Garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee dhexdhexaadiya Ciyaar FINAAL ah ,oo ku tirsaneyd Tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Dalka Tanzania sanadku markuu ahaa 1986,waxa kaloo Taarikhda Cusmaan xalane ee garsoorinimadda lagu xusuustaa in uu ahaa garsoorihii ugu horeeyey ee Soomalia ee wax ka dhexdhexaadiya Tartan Kubadda Cagta ee AFRIKA,waxaana uu ka mid ahaa Garsootrayaashii wax ka maamulaayey Tartankii lagu qabtay Dalka Marooko sanadku markuu ahaa 1988,waxaana Cusmaan Xarsh wax ka garsoore Ciyaartii SEMIFINAALKA halkaa uu ku uruursaday dhibco aad iyo aad u fara badan,dadaalkaas biyo kama dhibcaan ah,ayuu waxa uu Mudane Xalane ku muteysatay in uu ka mid noqdo 4tii Garsoore ee ugu dhibco badneyd ee Qaaradda Afrika taa oo sharaf iyo maamusba u soo jiiday Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan Gaar ahaan Xiriirka Soomaliyeed ee Kubadda Koleyga,waxaa kaloo juhdigaas badan uu ku helay in uu helo magacaabid in uu Garsoore ka noqdo 1/4 Finaalkii ee Ciyaarha Ciyaartoyda da’dooda ka yar 17 jir,waxaana Ciyaartaasi calan walayaal u ahaa Halyeeyadda kala ahaa Maxamed Mukhtaar Shekh iyo Mowlid Macaani,kuwaaso Ummadda Soomaaliyeed calankeeda awood u siiyey in uu ka dhex biligleeyo garoomadda waaweyn ee magaaladda ALJERIS oo aheyd halkii uu tartanka lagu qabtay.

Geesiga Isboortiga Soomaaliyeed Mudane Cusmaan Maxamud Xalane markii dagaalka sokeeyey dhacay waxa uu ka mid ahaa isaga iyo saaxiibadii Guddigii isku hawlay soo nooleynta Isboortiga Soomaaliyeed qabanqaabiyey Koobkii Kubadda cagta ee RAJO SOO CELINTA ,tartankaaso fure u noqday dib u bilaabidda Tartamadii Isboortiga,iyadoo Xalane iyo saaxiibadii ay Ummadda Soomaaliyeed ay Abaal uga hayaan dib u soo nooleyntaasi oo shiday SHUCLADDA Isboortiga oo uu maanta Isboortigeena ku naaloonaayo.

sanadku markuu ahaa 1993 Cusmaan xalane waxa uu u guuray Dalka Jabuuti oo aan walaalaha nahay,waxaana uu halkaa ka waday hawlihiisii Isboortiga ,waxaana uu ka mid noqday Maamulka Isboortiga ee Jabuuti,waxaana uu halkaa ka furay tababar Garsoorinimo

waxaana uu Cusmaan Xarash Taarikhda reer Jabuuti uga jira Baal dahab ah madaama Garsoorayaasha Kubadda cagta ee reer Jabuuti dhamantood uu Cusmaan Xarash Macalin u ahaa taa oo mar kale door lama ilaabaan ah ka qaadatay Sumcadda uu isboortiga Soomaaliyeed ku leeyahay isla markaana ay Ummadda reer Jabuuti aysan waligood iloobi doonin Halyey Cusmaan Xarash sida uu ugu hagar baxay,waxaana arru=intaasi gacan ka geystay Aaabaha Isboortiga Soomaaliyeed Marxuum Faarax W. Caddaw(SINDIKO).

Halyey Cusmaan Xarash waxa uu hadda ku noolyahay dalka CANADA gaar ahaan magaaladda VACOUVER B.C.,waxaana Xaas leh 5 caruur ah Ilaah ha u dhawree,waxaana uu ka mid yahay Garsoorayaasha wax ka maamulo Ciyaaraha Canada isagoo weli ah garsoore aad iyo aad u firfircoon madaama arrimaha Garsoorka uu ha’ybad u leeyahay,waxaana uu Mudane Xalane halkaan ka salaamayaa dhamaan eheladiisii,Bahda Isboortiga siiba Garsoorayaasha Kubadda Cagta iyo Koleyga isagoo mahad u celinaayo Bogga Ciyaarsweden,waxaana uu ugu dambeystii isagoo qiireysan ka codsaday ummadda Soomaaliyeed in ay dagaalka joojiyaan wada hadalna ay diiradda saaraan,waayo dagaal waa burburiye ee xal aan keeneynin.

Anigoo ah Tafatiraha Ciyaarhadunida.com waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin halkaan uga soo jedinayaa Halyey Cusmaan Xalane dadaalkii uu u soo galay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed anigoo ku boorinaayo in uu halkaa ka sii wado..

Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh