Geelle oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib weerarkii ka dhacay dalka JABUUTI.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa amray in fadhi deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jabuuti, kaasi oo lagu wado in uu dhawaan qabsoomo.

Ajendaha kulankaan caadiga aheyn ayaa waxa lagu sheegay ansixinta Sharciga qabyada ah ee Nidaamka la-dagaalanka xagjirka, kaasi oo xaalad dagaal loo isticmaalo una ogolaanaya awood kasta iyo hub nooc kasta oo la-haysto.

Amarkaan deg deg ah ee kasoo baxay madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa imanaya kadib markii dhawaan Jabhad hubeysan oo kasoo jeeda Qowmiyada Canfar-ta ay weerar ka bilowday gudaha Jabuuti.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika inay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku cambaareeyey weerarka ay fallaagadu ku qaadday saldhigga ciidan, waxaana uu sheegay in dowladdu ay sharciga horkeeni doonto kooxda weerarka qaaday.

Tan iyo markii ay weerarka soo qaaday jabhada hubeysan ayaa la la’ayahay 7 Askari oo lasoo warinayo inay dagaal ku qabsadeen, iyadoo dawladdu baadigoob ku jirto.

Si kastaba, Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida ee ay badda cas ku kulmaan gacanka Cadan, ayaa martigelisa saldhigga kaliya ee Maraykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Faransiiska uu ku leeyahay caalamka.