TAARIIKHDII MACALIN SHIINO GUHAAD .

Taariikhda xidigaha waxaan maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ahaa legends-ka ama laacibiintii magaca wayn ku yeeshay cayaarta kubadda kolayga oo weliba ay u dheer tahay macalin nimo heer Qaran ah. kaas oo magaciisu yahay C/rahmaan Mahamud Guhaad, oo bulshada isboortigu ay ugu yeeraan (Shiino Guhaad).

Macalin Shiino, wuxuu u cayaari jiray naadigii kubadda kolayga Wakaaladda Ganacsiga Ummadda (ENC), sidoo kale waxa uu ahaa tababarayaasha Soomaaliyeed ee marka magacooda la sheego, aad horay muuqiisa ka soo qabanaysid. Gabdhihii magaca fiican ku yeeshay qarankii Soomaaliyeed ayaa badankoodu ahaa kuwa uu asagu soo layliyay.

Macalin Shiino, hadii aan taariikh nololeedkiisa gudo galno, waxa uu ku dhashay magaalada B/Burte 1957-dii, waxuuna waxbarashda ku bilaabay isla magaaladaas oo uu ku dhigtay ilaa iyo dugsiga dhexe fasalka todobaad, kedib wuxuu u soo wareegay Xamar oo uu ku dhigtay fasalka sideedaad. Waxbarashada Dugsiga sarre wuxuu ka dhamaystay dugsiga 15 May ee ku yiil degmada Wardhiigleey ee Xamar sanadii1979-kii.

Waraysigeena ayaa ku biloowday sida tan: Macalin Shiino, marka hore soo dhawoow, waadna ku mahadsan tahay, fursad qiimaha leh oo aad ii siisay in aan wax kaa waydiino taariikh nololeedkaada. Hadaan su’aashayda ku biloowdo:

Goorma, ayaad billowday ciyaaraha ? Yaase kugu dhiirrigaliyay ?

Waxaan bilaabay ciyaaraha anigoo yar, waxaana ka bilaabay magaalada aan ku dhashay ee [B/Burte] waxaan ciyaari jiray kubadda cagta oo waxaan ahaa goolhaye [Goolkeper] sidoo kale waxaan ciyaari jiray kubadda laliska. Waxaana igu dhiiri geliyay saaxiibkey [Cabdirahman Faarah Karaama]

Heer noocee ah ayaad ku billowday ciyaaraha ? Mase jireen noocyo kale oo ciyaareed oo ka duwan kubbadda kolayga oo aad ka qayb-qaadatay?

Waxaan ku bilaabay ciyaaraha, ciyaarta kubadda cagta, waxaa iigu xigtay kubadda laliska iyo kubadda kolayga.

Ma ka qayb-gashay tartammadii ciyaaraha degmooyinka ama gobollada oo aan oran karo qaasatan kuwa gobollada wuu ka xammaasad badnaa tartammadii ciyaaraha heerka 1-aad ?

Hadaan ku hor maro anoo xasuustayda dib u raacayo, waxaan xasuustaa in aan marka hore u dheelay dugsigii hoose/dhexe ee H/Wadaag 1973. Kadibna ka qeyb galay ciyaarahii degmooyinka Xamar 1974-tii waxaana u dheelay degmada Hodon oo aan markaas degenaa.

Sidoo kale waxaan ka qeyb galay ciyaarihii gobolada sannadkii 1972 anoo u cayaarayay kubadda cagta, ahaana goolhaye (Goal keeper) una ahaa gobolka Hiiraan, waxaan kaloo u cayaaray kubadda laliska. Sidaad ka warqabtidba, waxaa sanad wlba la qabanjiray labo jeer sanooyinkii kal ahaa [1972, 1973, 1974]

Intaadan u soo safan, ciyaaraha heerka 1aad , ma jireen kooxo kale oo aad u soo ciyaartay?

Naadiga markaan bilaabay ciyaarta kubadda kolayga ee heerka koowaad, waxaan u ciyaaray oo kaliya wakaaladda ganacsiga ummadda [ENC] naadigaas waxaan joogay ilaa aan ka noqdo tababare heer naadi iyo heer qaranba.

Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka ah kuugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha guud ahaanba?

Mudadii aan u dheelaayay naadiga wakaaladda ganacsiga ummadda. Marka hore waxaan aheen, dhlinyaro isjecl oo wada shaqeynjirtay oo waxaa nala dhihijiray walaalaha isjecl. Waxaan iigu farxad badneed markii aan u safanay ama aan ka mid naqonay labadii kooxood ee u safato koobkii kama danbesta ama [Final] ee horyaalka kubadda kolayga sanadkii 1979-kii oo aan meeshaas ka galnay kaalinta labaad.

Yaa kaalinta Koowaad idinkaaga guulaystay ?

Waxaa kaalinta koowaad naga gashay kooxda Badda, waxaana weli xasuustaa anagoo hal dhibic ka horeyno oo waqtiguna dhamaaday ayaa aaqiru saac gol naga dhaliyay ciyaartoyga la yiraahdo Nuura DIIN Ali Saciid.

Muddadii aad u safanayd Kooxdaada, Wax guulo ah oo aad gaarteen ma jireen?

Waxaan ku goolaeysanay labo koob oo munaasabado iyo sidaan horay-ba kuugu sheegay mar aan galnay kaalinta labaad ee koobkii horyaalka 1979.

Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka Qaran ?

Waxaan ku biiray ciyaarta kubada kolayga iyo laliska-ba heerka qaran sanadii 1974.

Kooxahii aad la ciyaartay ciyaaraha caalamiga ah wax ma ka xusi kartaa?

Waxaan ka qayb galay ciyaarihii heer Qaran dhoor sano, wadamadii aan la ciyaarnayna waxay kala ahaayeen, sanadii:
1975 oo aan la yeelanay dalka Liibiya ciyaarahii [All Arab Games].
1976 ciyaar saaxiibtinimo oo aan la yeelanay dalka Maser.
1977 waxaan la ciyaarnay xulka dalka Ciraaq.
1977 waxaa kale oo aan ku ciyaarnay Masar magaalada [Porto-Said] ciyaarihii Jouniar-ka Afrika, taas oo xusuus gaar ah ii lahayd, waayo waxaa leygaaga soo jabiyay ilkaha.

1978 waxaa wadanka kula ciyaarnay koox ka timid wadanka [U.S.A] oo la magac baxday [Patriots] oo ka socotay dugsiyada ama collage- ka [U.S.A.] waxaana kula ciyaarnay magaalada Kismaayo ee Soomaaliya.
1980 waxaan u aadnay wadanka Moroco, ciyaarihii [All African Games].

Training for the Jubba Hotel
Waa IOC Solidarity Course at Jubba Hotel 21—-27 July 1988kii

Sanadii 1977 Waxaad noo sheegtay in Ilkaha lagaaga jabiyay, wax ma kaa waydiin karnaa sida ay arintu u dhacday ?

Haa, cayaartaas waxaan la cayaatraynay koox ka socotay Central Africa, Ciyaartooy watay nombarka 6aad oo ka ciyaarayay post ama centre ayaan u booday in aan Repound qabto, markii aan kubadda lasoo dagaayay intaanan dhulka soo deign ayuu feer labadayda gacan inta u dhaxaysay ka soo saaray oo uu seddex illeg iga dhaawacay.

Ma xusuusan kartaa guuldarradii kuugu xumayd ee ku soo marta intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha kubbadda kolayga guud ahaanba?

Waxaa iigu xumeed ciyaar aan la dheelnay sanadku markuu ahaa 1975 xulka dalka Liibiya, oo aan u soo baxeynay kaalinta kama danbeysta ee ciyaarahii [All Arab Games] oo aan galnay kaalinta seddaxaad.
Farxaddii kuugu waynayd maxay ahayd intaad ku dhex jirtay ciyaaraha kubadda?
Waxaa iigu farxad badneyd labo jeer oo kala ah: Koow mar ay gabdhaha kubadda kolayga [ENC] oo aan tababare u ahaa ay yimaadeen kaalinta kama danbeeysta ah ee horiyaalka kubada kolayga, waxaan la ciyaareynay gabdhaha kooxda Somalita runtii anigoon u amaaneynin oo ay joogaan rag iyo dumar goob joog ahaa sida aan xasuusto waxaa ciyaarta ka haray wax ka yar daqiiqad waxayna naga horeeyeen todobo dhibcood, waxaan si fiican kooxdii ugu ciyaareen ciyaarta qof ka qof (man to man) waxaana dhacday in ay ciyaartii ku dhamaato Barbaro, sida caadada ah na waxaa lagu daray [Shan daqiiqo oo dheeraad ah] waxaana ku badinay lix dhibcood, waxaa qaadan waayay taageera yaashii u heystay in ay badiyeen kooxdii kale waxaana laga daba geeyay in ay badisay kooxdii naadiga ganacsiga [ENC].

Ciyaartii kale, ee mudan in la xusuusto waa ciyaar aan la ciyaarnay kooxda Muqdisho koobkii General Daa’uud. Anagoo wada ciyaarnay afar jeer oo isku xigta seddax jeer waxaan ku ciyaarnay garoonkii ahaa 21-ka October [Lujino] ciyaartii kama danbestane waxaan ku ciyaarnay garoonkii kubadda kolayga ee Stadium Mogadishu.
Waxaana kooxdii gabdhaha kubadda kolayga ee Wakeelada Ganacsiga Ummadda [ENC] ay ku guuleysatay kaalinta koowaad ee koobkii General Da’uud.

Ciyaaryahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad u ciyaaraysay kooxdaada iyo xulka qarankaba ?
Ciyaaryahanadii aan ugu jeclaa markaan u ciyaarijiyay naadiga Wakaaladda Ganacsiga Ummadda waxaay kale ahaa yeen:
⦁ Muuse Faarah
⦁ Abdirahmaan Saalax Abdi [Matiito]
⦁ Ahmed Daahir Ahmed
⦁ Abdirizaaq Mohamud Ali [Zuzow]
⦁ Bashiir Cabdi Daahir
⦁ Maxamed Mukhtar Sheikh
⦁ Axmed Xiirey Bare (AUN)
⦁ Nuur Xaaji Maxamed ( AUN)
⦁ Mahdi Cali Bretish (AUN)
⦁ Maxamed Yare (AUN)
⦁ Cabdulaah Jilicow
⦁ Cadi Farey
⦁ Xiirey Firin

Cayaartoyda Kubadda Koleyga ee Wiilasha iyo Gabdhaha Wakaalada Ganacsiga Ummada ayaa waxa ay heer ka gaartay kubadda Kolayga oo ay guulo ka soo hoyisay,
Kubadda Kolayga ee Soomaaliya, Kooxaha badankood oo isa soo xoojiyey awooda kooxeed , iyo tayada ciyaartoy ayaa waxaa bilawgiiba fooda isa saarejiray kooxo lagu doorbidayey awood heerar sarena ah Kooxda ENC Waxay Ka Mid eheea kuwa laga Cabsado awoodooda,Waxaa heerkaas Gaarsiiyay Maareeye Axmed Xaaji Xaashi(Axmaar) oo u huray Wakhtigiisa in uu galiyo dhaqaalo bada si Kooxaha u hormaraan.
Maareeye Axmed Xaashi Mar uu la hadlaayay Cayaartoyda ,Taagerayaasha iyo Shaqaalaha Wakaalada Ganacsiga Ummada Wuxuu uga Sheekeeyay Griigu wuxuu bilaabay tartanka aan manta u naqaan Olombiga (Olympic Games) tartankaas oo afartii sanoba mar la qaban jirey, laguna qaban jirey magaalo loo yiqiin Olymbia. Tartanka isboorti wuxuu ku sii ambaqaaday ilbaxnimadii Rooma iyo intii kale.
Maareeye Axmaar oo Yeri Wixii xiligaas ka dambeeyey waxaa Isboortigu ku jirey horumar joogta ah, taas oo ay sabab u tahay horumarka nolosha aadamigu samayey. Wershedeynta iyo horumarka dhaqaale wuxuu sababay in dadku helaan dhaqaale iyo waqti madadaalo.
Axmed Xaaji Xaashi Isboortigu waqtiga hadda la joogo wuxuu gaaray in uu dhaafo xuduud , luqad, dhaqan iyo midab. Isboortigu wuxuu ka dhaqaale batay wadamada ugu dhqaalaha weyn waxuuna noqday hab maamul bulsho, Maareeyaha had iyo jeer Wuxuu u Mahadcelinjiray Macallinka Kooxda Gabdhaha Shiino Gugaad.
Sidoo kale waxa jira ENC wiilal kubadda cagta cayaara oo heer fiican ka gaaray lana kaladiray kuwaas oo u cayaara kooxaha heerarka kowaad ee dalka .
Sidaa oo kale Maareeyaha Wuxuu Kooxda baabiyay markii uu macallinka ka dhoofay wadanka 1989,Kooxihii Waxaa kala qaatay Naadiydaha kale.