Trump oo loogu yeeray inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira dambiyo lagu soo eedeeyay.

Guddiga congress-ka Mareykanka ee baarayay rabshadihii sanadkii hore ka dhacay dhismaha Capitol ayaa u yeeray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump si uu jawaab u bixiyo.

“Waxaa laga doonayaa inuu ka jawaabo ficilladiisa,” ayuu yiri Bennie Thompson, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga ah.

Haddii Trump uusan u hoggaansamin u yeeridda, oo loo yaqaanno subpoena, wuxuu wajihi karaa eedeymo dembi iyo xabsi.

Guddigan la soo xulay ayaa baaraya weerarkii ay taageerayaasha Trump ku qaadeen Congress-ka 6-dii January 2021.

Guddiga oo ka kooban toddoba xildhibaannada Dimuqraaddiga ah iyo labo Jamhuuriga ah ayaa u codeeyay 9-0 iyagoo taageeray in loo yeero Trump si uu u keeno caddeymo uuna u dhaarto lugt au uku leeyahay rabshadahaas Capitol.

 Liz Cheney, oo ah madaxa guddigakana tirsan Jamhuuriga, ayaa tiri: “Waxaan ku faraxsannahay inaan jawaabaha ka raadinno si toos ah ninka ay arrintan oo dhan quseyso. Qof walba oo Ameerikaan ahna wuxuu xaq u leeyhahay jawaabahaas.”

 Tallaabadan kediska ah ayaa timid intii ay socotay baaritaanka iyo dhegeysigii ugu dambeeyay ee baaritaanka weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Congress-ka.

 Kulankii shalay ayaa guddigu wuxuu ku sheegay inay diiradda saari doonaan “xaaladda maskaxeed” ee Trump maaddaama uu diiday inuu qirto in Joe Biden uu kaga guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee bishii November 2020.

 Trump – oo baaritaankan ku tilmaamay ujeeddo lagu doonayo in codbixiyeyaasha Mareykanka looga weeciyo “musiibada” dowladnimada Dimuqraaddiyiinta – ayaa aad loo filayaa inuu diido inuu jawaabo bixiyo isla markaana uu ka hor imaan doono u yeeritaankan.

 Trump ayaa bartiisa Truth Social wuxuu su’aal iska weydiiyay sababta uusan guddigu ugu yeerin bilooyin kahor si uu jawaabo u bixiyo.

 “Maxay u sugeen ilaa dhammaadka, xilliyadii ugu dambeeyay ee kulankoodii ugu dambeeyay?” ayuu qoraalkiisa ku yiri. “

 Guddiga ayaa in ka badan sanad waxay ku qaadatay inay wareystaan in ka badan 1,000 marqaatiyaal, waxaana ka mid ah carruurta Trump, kalkaaliyeyaashiisii sare iyo saraakiil sare oo militariga iyo booliiska ka tirsan.

.

Dhegeysigii shalay, ayaa guddigu wuxuu soo bandhigay sawir aan hore loo arag oo Congress-ka ah iyadoo dhismayaasha la jejebiyay isla markaana xildhibaannada la geeyay meelo ammaan ah.

 Afhayeenka Aqalka kana tirsan Dimuqraadiga Nancy Pelosi, oo gabadheedu ay muuqaalka duubtay, ayaa la arkayay iyadoo argagaxsan markii loo sheegay in xildhibaannada ku sugnaa qeybo kale oo dhismaha ka tirsan loo sheegay inay xirtaan af-xirka gaaska.

 Iyad aiyo xildhibaannada kale ayaa muuqaalka lagu arkayay iyagoo naxsan oo u tyeeraya saraakiisha militariga iyo barasaabyada gobollada u dhow iyagoo ka codsanaya taageero dheeraad ah si looga adkaado kooxdii weerarka soo qaadday.

Mike Pence, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Trumo, ayaa la maqlayay isagoo telefoon kula hadlaya Pelosi weydiinayana waqtiga ay qaadan karto inta ay xildhibaannadu ku laabanayaan dhismaha si ay u sii socoto codeynta xaqiijinta madaxtinnimada Biden.