Taariikhdii Isboortiga Busuri Haji (Ama) .

Taariikhdii Isboortiga Busuri Haji (Ama)
Busuri Xaji (Ama) Ruug Cadaa halgamaa ah, oo door lixaad lah kasoo qaatay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.
Akhristayaasha sida gaarka ah u xiiseeyso bogeena Cayaarahadunida waxaan maanta Ku soo gudbineynaa taariikhda isboorti Busuri(Ama).
Md. Busuri Haji (Ama) waxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1949kii Degmada Boondheere, yaraantisii wuxuu aad u jacelaa ciyaarta kubada cagta. waxuuna ku soo caan baxay garoomada bacaadada ah ee dagmada Wardhiigley iyo Boondheere, Md. Busuri (Ama) ciyaaraha waxaa ku dhiiri geliyay Xaaji Macow, Darbane Muudey, Khalif Dooro,Adan Xirsi Jaangon(Adaamo),Yuusufey.
Md. Busuri (Amo) wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii dugsiga hoose dhaxe ee bartamaha (Macalin Jaamc) oo sanadkii1953-1954kii ku guleestay tartakii ugu horeeyay kubada Kolayga ee dalkeena lagu qabtay, halka uu Busuri (Amo) sanadkii 1957kii ka mid noqday kooxdii kubada cagta ee Anjalino ee Degmada Boondheere, 1959kii dugsigiisi uga qeyb qaatay dhinaca ciyaaraha Kubada Cagta oo lagu qabtay Stadio CONI.
Md. Busuri (Ama) wuxuu heer sare ka gaaray ciyaaraha kubada koleyga wuxuuse dabayaaqadii 1959kii si rasmi ah ugu wareegay ciyaaarta kubada koleyga oo xiligaas si aad ah dalka looga xiiseynayey halka uu 1970 – 1971kii
wuxuuna sanadki 1972kii u saftay kooxda ENI oo uu la qeybsaday koobab fara badan waqtigaas waxaa dalka ka jiray kooxo Waaweyn Sida Horseed, Dekeda, Batrolka Muqdisho,Jeenyo,Somalita,ENC,Waxool,Warshadaha,Madbacda Qaranka.
Md. Busuri Ama Wuxuu Kubada Cagta u Ciyaaray Kooxdii Dowlada Hoose( Munashibiyo ).
Busuri (Ama) Kooxda Markaas uu u Ciyaarayay waxay u bixiyeen naaneysta ah (Amarinda) oo loo soo gaabiyay (Ama).
MD. Busuri (Ama) sanadki 1976dii ayuu ka mid noqday xulka qaranka ee k/koloyga wuxuuna safaro ciyaareed u tagay dalalka Masar, Yamen iyo Liibiya waxaana tabare u ahaa Jack Aswan oo u dhashay dalka Mareykanka macalina ka ahaa kulliyada waxbarashada Lafoole.
Md:Busuri (Ama) 1978 kii ayuu u wareegay dhanka tababaranimada,Wuxuu Macalin u noqday Kooxdii ENI,Ka dib u wareegay Tababaraha naadiga Munashibiyo ,waxaana gacanta ku hayay kooxdii gabdhaha kubadda koleyga ee naadiga Muqdisho oo iyugu ku guulaystay Kaalinta 2aad horyaalka.
Markii Wadanka burburay oo dagaal sokeeye ka dhacay ayuu Wadanka ka baxay.
Busuri (Ama) haatan waa xaas leh caruur , waxaana uu ku nool yahay Sacuudia Arabiya magaalada Cajmaan.

Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh