Taariikhda Tababare Cabdilladhiif (Af Dhuub) .

Taariikhda Tababare Cabdilladhiif (Af Dhuub)
Cabdiladhiif Maxamed Af-dhuub wuxuu ku dhashay dagmada Ceel-Karri 1952kii wuxuu ku soo barbaaray Gobollka Baali oo ka tirsan soomali Galbeed ee xabashidu gumaysato. Cabdiladhiif wuxuu Tacliinta Dugsiga H/Dhexe ku qaatay gobollka Bakool,wuxuu yaraantiisii jeclaa ciyaaraha kubbadda kolayga wuxuu ciyaaraha ku soo biiray 1972kii wuxuu u saftay Gobollka Burco,wuxuuna soo bandhigay ciyaar wanaag, hase yeeshee wuxuu ciyaarta kubbadda kolayga ka fariistay isla sannadkii 1972kii wuxuu u gudbay dhinaca Tababrnimada wuxuuna ka qayb galay Tababar wasaaradda isboortiga ay soo qabanqaabisay.
Wuxuu imtixaanka ugu dambeeyay ku hantay shahaadada Tababarnimada ee kubbadda kolayga,isagoo Tababar u noqday Ardayda Dugsiga Lafoole,wuxuuna ka soo saaray ciyaartoy fara badan oo magac wanaagsan ku leh dalka soomaaliya,wuxuuna u tillaabay inuu layliyo kooxaha qaybta (A) wuxuu Tababare u noqday War.Caanaha, wuxuu ugu sii gudbay Kooxda Waxool,wuxuuna soo saaray ciyaartoy xulka loo magacaabay,Tababare ku-xigeenka kooxda Qaranka kubbadda kolayga ee dalka soomaaliya ,wuxuu ku soo baxay Tababare heer caalami ah,macalinka Waa xaas Caruur leh wuxuu ku nool yahay dalka kenya Nayrobi.