Xogta wadahadallo adag oo Garowe uga socda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Deni.

Waxaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland maalintii saddexaad ku sugan Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay intii uu xilka qabtay May 2022.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in wadahadallo iyo shirar gaara ay u socdaan Xasan Sheekh iyo Siciid Deni, kuwaas oo aan saxaafadda lala wadaagin waxa looga hadlayo iyo haddii horumar laga gaaray, wuxuuna socdalkan aad uga duwan yahay kuwii uu Xasan Sheekh ku tegay K/Galbeed iyo Galmudug.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in kulamada albaabada la isku xirtay ee Garowe ka socda ay yihiin kuwo adag oo Puntland ay dooneyso inay ballanqaadyo rasmi ah ka hesho Xasan Sheekh, kadib markii ay ka qeyb qaadatay doortashadiisii.

Arrimaha ugu adag iyo shuruudaha ay wadato Puntland ayaa waxaa ka mida: Awood qeybsiga dowladda Federaalka, Mashaariicda lasoo mariyo dowladda Soomaaliya iyo Kaalinta Puntland ee Qorshaha cusub ee dowladda Xasan Sheekh.

Puntland oo dhowaan magaalada Garowe kusoo dhoweysay saraakiil ka tirsan Milateriga Itoobiya ayaa laga dareemay inaysan ku qanacsaneyn qaabka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku wado hoggaanka Dowladda Federaalka.