Danjire uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga guddoomay Waraaqihii Aqoonsiga.

Danjiraha cuusb ee Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay dalka India Ahmed Ali Dahir ayaa laga guddoomay waraaqihaiiaqoonsiga ee Danjirinimo.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalka Hindiya(Rashtrapati Bhavan) ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Safiirka oo ay wehliyeen diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee dalka Hindiya oo uu ugu horreeyo sii hayihii Safaaradda ahna ku xigeenka Safiirka Mudane Abdifatah Abdullahi Nur iyo xubno kale oo ka tirsan Safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Ahmed Ali Dahir waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu, wuxuuna u gudbiyey dhanbaalka dowladda Soomaaliya ee ay u soo dirtay dowladda Hindiya.

Madaxwaynaha dalka Hindiya ayaa ugu horreyn dhanbaal hambalyo u dirtay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda cusub sidoo kale waxay ka tacsiyeeysay weerarkii  magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Xayaat ka ku qaadeen Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxwaynaha Hindiya Marwo Droupadi Murmu ayaa u sheegtay danjiraha in dowladda Hindiya ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka caawiyaan abaaraha iyo cunto yarida ka jirta dalka Soomaaliya isla markaana ay garab taagan yihiin mar walba