Qodobbadii hor tebinta lahaa ee uu ka gaabiyey Madaxweyne Xasan Sheekh (Akhriso)

Madaxweynaha mar kale xilka loo doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkiisa labaad waxaa u dhammaaday 100 maalmood oo uu Villa Soomaaliya ka arriminayey.

Waxaa xusid mudan inuu Xasan Sheekh ka gaabiyey qodobbo muhiim ah oo ay ahayd in mudnaanta la siiyo, taasoo keenay in shacabka dareemi waayeen isbedel dhinaca amniga ah, isla markaana soo baxaan fashil la bilowday xukuumadda cusub.

Waxaan halkan kusoo ururinay arrimihii hor tebinta lahaa ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka gaabiyey iyo sida looga gudbi karo:

1- Xaaladda Amniga: Marka laga rebo Hay’adda NISA, ma jiro wax isbedel ah oo lagu sameeyay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida iyo maamulka Gobolka Banaadir, arrintan oo noqotay dalabka shacabka qaarkood.

Dib u habeynta hoggaanada ciidamada, isku xirka iyo howlgelin keeni karta in Alshabaab la wajaho waa arrinta ugu mudan ee Madaxweyne Xasan Sheekh looga fadhiyo xilligan oo astaan u noqon doonta waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo.

2- Arrimaha Gudaha: Waxaa hoos u dhacay xiriirka maamul Goboleeyada iyo dowladda Xasan Sheekh. Taageeryaasha Odayga waxay bilaabeen olole ka dhan ah madaxweynaha K/Galbeed oo lagu riixayo inuu mucaarad noqdo. Puntland oo arrimo ka dhashay doorashadii uga fogaatay Madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqotay in mar kale la raadiyo. Axmed Madoobe oo muddo kororsi sameystay, waxaa Xasan Sheekh laga sugayaa inuu wajaho, iyadoo dadka qaarkii ay la tahay inuu hormariyo ‘Soomaali heshiis ah’ inta aan la gaarin inay ‘Dunida hesiis la noqoto’.

Kalsooni iyo wada-shaqeyn dhex marta dowladda Federaalka waa furaha Soomaali heshiis ah oo lagu gaari karo horumar laga gaaro Amniga, dhammeystirka Dastuurka iyo Wadajir loo wajaho Alshabaab.

3- Awood Qebsi kooxeysan: Wuxuu Xasan Sheekh ololihii doorashada ku ballanqaaday inuu wato Tareen dadka dhan wada qaada oo aysan jirin xanta suuqa loo mariyey ee ahayd in ‘Gaarigiisu buuxo’ oo macnaheedu yahay in siyaasiyiinta xisbigiisa kaliya uu xukunka ku koobi doono marka uu Madaxweyne noqdo.

Marka la eego sida lagu magacaabay xilalka Golaha Wasiirada, Madaxtooyada iyo Agaasimaha NISA, waxay caddeyn u tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kaliya xilalka muhiimka ah u magacaabayo xubno ka mida xisbigiisa ama uu kalsooni gaara ku qabo.

Arrintani inkastoo ay dhinac ka fiican tahay, haddana dhinac kale waxay keentay in maamulka dalka ay isku koobto koox yar oo xisbi ah. Waxay kaloo sabab u tahay inay waqti dheer qaadato magacaabidda mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda. Tusaale ahaaan waxaa saddex bilood kadib xilalka sii taliyeyaal iyo madax sare oo og inay xilka laga qaadi doono, waxqabadkooduna liito.

FILASHADA SHACABKA: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa saaran waajib aan ka culus madaxdii ka horeysay ee uu ka midka ahaa khibradda uu leeyahay darteed, mana heli doono cudurdaar haddii uu hoggaankiisa oo mar kale Madaxtooyada Soomaaliya yimid ku fashilmo rajadii lagu doortay ee looga fadhiyay.