XOG: Xaqiiqada Lacagta dhalisay khilaafka Wasiirka Maaliyadda iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirada Maaliyadda shanta Dowlad Goboleed ayaa soo saaray War-saxaafadeed lama filaan ahaa oo ay wadajir ugu sheegeen inay ku joojiyeen wada-shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka.

Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa ku eedeeyay wasaaradda Maaliyadda Dowlada Federaalka inay bal martay heshiiyadii hore ee lagu wada shaqeyn jiray, waxayna ugu baaqeen inay ka noqoto arrintaasi.

Wasiirada Maaliyadda Koonfur Galbeed iyo Puntland oo wareysiyo bixiyey waxay ka gaabsadeen waxa dhaliyey khilaafka ee ay keenay inay xiriirka u jaraan Wasaaradda maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed ayaa sheegay arrimo la xiriira inuu ka mashquulay wasiirka, kana qaban waayey telefoonada oo ay adkaaday inay kulmaan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ka meermeeray waxa ay ku heystaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, isagoo kaliya xusay in arrimo la isku ogaa ay ka baxday, ayna qaadatay go’aano ay ahayd in laga tahashado, balse aanu ka gaabsaday.

Xogta la helay aya sheegeysa in gadoodka Wasiirada Maaliyadda Dowlaad Goboleedyada ee la kowsaday Wasiir Cilmi Maxamed Nuur uu dalka ku hayo lacago Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya oo gaareysa 94 Milyan oo Dollar.

Dowladda Federalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa dhaqaalaha kabka u qeybsada: DFS 60% iyo DG: 40%, balse deeqdan ayaa la sheegay in laga jaray kharashaad ku baxay tabbarro iyo arrimo kale oo ay diideen mamul Gobvoleedyada

Arrinta kale ee khilaafkan qarxiyey aya ah mashruuc cusub ee ‘DRIVE’ ee maanta laga daah furay magaalada Muqdisho, kaasoo ay wada fulinyaan dowladda Federaalka iyo Bankiga Adduunka. Mashruucan oo intiisa badan quseeya xoolo-dhaqatada ayaan ku saabsan xoojinta adkeysiga xoolo dhaqatada Soomaaliyeed, waxaana la sheegay inaan lagala tashan dowlad Goboleedyada.

War-saxaafadeedoodka waxay soo beegeen xilli ay Muqdisho sugan tahay Madaxda Bankiuga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya Kristina Svensson iyo maalin ka hor furitaanka mashruuca.