Xasan Sheekh oo magacaabay Ergey cusub iyo La-taliye Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu caawa soo satay ku magacaabay La-taliyeyaal cusub oo xafiiskiisu yeelanayo.

Qoraal kasooo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay:

1- Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Khadar Cabdiraxmaan Maxamed 2-iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xubnahan ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo, wuxuuna ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan.

Magacaabidda Ergeyska iyo La-taliyaha cusub ayaa dhaqan galay 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku socda magacaabidda la-taliyeyaal iyo ergey fara badan oo ku dhow inay xukuumad gaara noqdaan.