Siciid Deni oo xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Abaanduilihii Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray waregto uu xilalkii uga qaaday Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, isagoo xilalkaasi u magacaabay saraakiil cusub.

Siciid deni ayaa magacaabay xialalka soo socda:

1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Magacaabidda ayaa dhaqan gashay maanta oo uu saxiixay Madaxweynaha Puntland. Waxaa xilalkii laga qaaday Taliyihii hore Jeneraal Yaasiin Cumar Dheere iyo abaanduuliyihii hore.