XOG: Siyaasiyiinta Beesha H/Gidir oo ku heshiiyey Qofkii lagu bedeli lahaa Cali Yare.

Waxaa heshiis laga gaaray loolan iyo tartan awood qeybsi ah oo u dhaxeeyay siyaasiyiinta Beesha H/Gidir ee taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrinta la isku hayey ayaa ahayd cidda loo magacaabayo xilka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda oo awood qeybsi ahaan ay beesha ugu leedahay maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in xilkan oo uu hore ugu fadhiyey Cali Yare Cali oo ka mida taageerayaasha Farmaajo dood dheer kadib laga heshiiyey qofka loo magacaabayo ee lagu bedeli lahaa Cali Yare, waxaana isku heystay Beelaha Ceyr iyo Saleebaan.

gaasimaha NISA Mahad Salaad oo dhinac ah iyo Xildhibaan C/saabir Shuuriye & Abshir Bukhaari oo kala meteleya laba beelood ayaa isku afgartay in xilkaasi la siiyo Beesha Saleebaan, iyadoo la filayo in mar kale loo magacaabo Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo xilkan hore u soo qabtay, haddana ah maareeye ku xigeenka Dekadda Muqdisho.

Magacaabidda Guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir ayaan weli la magacaabin, iyadoo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka uu weli ku shaqeynayo laba ka mida Guddoomiye ku xigeenadkii hore.

Cali Yare ayaan dib ugu laaban shaqada Maamulka Gobolka Banaadir, tan iyo markii doorashada looga adkaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, inkastoo uu mushaarkiisa iska qaato, waxaana ay howshiisa ugu weyn xilligan tahay inuu Baraha Bulshada ka taageero madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegaa inay awood badan iyo saameyn ku leeyihiin siyaasiyiinta Beesha H/Gidir oo xilal muhiim ah ka qabtay Madxtooyada iyo xukuumadda Federaalka