Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo mowqif adag ka istaagay qorshaha madaxweyne Deni ee doorashooyinka xisbiyada.

 Madaxweynayaashii hore Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, ayaa si adag uga horyimid qorshaha madaxweyne Deni ku doonayo inuu doorasho qof iyo cod ah kaga qabto Puntland.

Labada madaxweyne oo ka qeyb galayay dood BBC Soomaali qabatay ayay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu daba ka riixayo dimuqraadiyad ay ku tilmaameen inay xaaraan tahay islamarkaana uu ku doonayo muddo kororsi iyo boob doorasho.

Madaxwayne hore Cabdiraxmaan Faroole ayaa yidhi, “Doorasho iyo Dimuqraadiyad mahan waa boob iyo musuq maasuq dowladdu u soo harag badalatay oo ay rabto in ay wax ku boobto.”

Faroole wuxuu sheegay in Bosaso iyo Galkacyo sanado maamul la’aan yihiin, Garowena maamulkeedii oo shaqo fiican haya dano gaar ah loo kala diray oo madaxwayne Deni maamulihiisa madaxtooyada keensaday taasna ay makhraanti ka tahay sida uu sheegay in aysan ahayn doorasho iyo dimuqraadiyad balse ay tahay boob iyo musuq maasuq.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Senator Faroole wuxuu sheegay in aysan suragal ahayn in Puntland doorasho laga qabto muddada hartay iyo duruufo is biirsaday.

Cabdiweli Gaas ayaa isna yiri, “Anigu waxaan qabaa waa loo baahan yahay dimuqraadiyada one person one qof, laakiin midda hadda qaabka loo dhigayo, waxay u muuqataa inay tahay kalmad xaq ah oo laakiin baadil loola jeedo.”

Gaas wuxuu sheegay in madaxweyne Deni laga doonayo inuu doorashada qabto siddeeda January 2024.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Puntland, Eng, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in maamulkooda doorashada golayaasha deegaanka ay daacad ka tahay.

Wuxuu sheegay in xibsiyada kusoo baxa doorashooyinka dowladaha hoose ay saamayn iyo talo ku yeelan doonaan doorashada soo socota ee Puntland.