Dowladda Somaliya oo xirtay website-yada iyo Barihii Internet-ka ee Alshabaab (Akhriso).

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la xiray Barihii ugu waawaynaa ee Alshabaab ku l lahayd Internerka, kuna baahin jirtay wararkeeda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa shegau in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee lagu baahi jiray fariimaha Alshabaab, isla markaan uu howlgalku weli socdo.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiran yihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Arrintan ayaa ka damnbeysan qoraal uu Wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya u qoray shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Internet-ka, si ay u xiraan ilaa 9 website oo taageera Alshabaab.

Dalalka dibadda iyo Maamullada aam u hoggaansamin amarrada dowladda ayaa si caadi ah loogala socon karaa baraha taageera Alshabaab, waxana xayiraadda ku kooban tahay goobaha ay ka taliso dowladda.