XOG: 3 Qodob oo sababtay inuu Xasan Sheekh G/Banaadir kusoo celiyo Yuusuf Boorsaani.

Dadka badankiisa la-yaab kuma noqon inuu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mar kale u magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo ka mida xisbigiisa, laakiin la-yaabku wuxuu ahaa xilliga ay ku qaadatay inuu ku dhawaaqo oo 4 bilood ku dhow.

Xogta laga helay Villa Somalia ayaa sheegeysa in saddex arrin ay sabab u ahaayeen magacaabista Yuusuf Boorsaani, kuwaasoo kal ah:

RA’IISAL WASAARE XAMSE

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu saameyn weyn ku yeeshay madaxweynaha, kuna tirtirsiiyey magacaabidda Yuusuf, taasoo ay ugu wacneyd saaxiibtinimada gaarka ah ee ka dhaxeysay, iyadoo la ogyahay inuu Xamsa ka mi dahaa shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir, isagoo la-taliye u noqday Yuusuf Boorsaani intii uu ahaa Guddoomiyaha G/Banaadir 2015-2017.

XISBIGA MADAXWEYNAHA

Xubinnamada xisbiga Madaxweynaha ee UPD waxay ahayd sabab kale oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku riixday inuyu Yuusuf Xuseen Jimcaale kusoo celiyo xilkii Guddoonka Gobolka Banaadir. Inta badna xubnaha xixbsiga madaxweynaha waxaa lagu abaal mariyey xilal wasiiro iyo madaxtooyada looga magacaabay.

Madaxda Sare ee Xisbiga wuxuu Yuusuf Boorsaani ayuu ahaa qof kaliya ee ay madaxweynaha ku cadaadinayeen inuu xilka Gobolka u magacaabo, iyadoo Gobolka yahay meesha lagu tashado ee lagu meeleeyo saaxiibada madaxweynaha.

KALSOONIDA MADAXWEYNAHA

Shaqsiyaadka uu xilalka u magacaabayo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddo xileedkiisa labaad kusoo kordhay shuruud ah inuu yahay qof Madaxweynuhu garanayo oo kalsooni ku qabi karo, taasoo ahayd arrin kale oo kaalmeysay inuu Sheekh Yuusuf kusoo baxo xilka ugu sareeya Gobolka Banaadir oo madaxweyne kasta ku xisaabtamo.

Si kasta oo ay ku timid magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, waxay mar kale muujineysaa inaysan waxba iska bedelin go’aan qaadashada Madaxweyne Xasan Sheekh hore ugu caan baxay oo ah inuu waqti dheer oo bilo ah dadka iyo dalka uga lumiyo go’aano uu ku qaadan karo toddobaad gudihiis.

Intii uu Villa Somaliya dib ugu laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh 23 May 2022, wuxuu ku dhaqaaqay inuu xilalka muhiimka ah ee dowladda u magacaabo saaxiibadiisa iyo xubnaha xibsigiisa UPD, isagoo meel iska dhigay ballanqaadkiisii Tareenka dadka badan qaada ee aanu kooxdiisa ku koobi doonin xilalka Dowladda.