Madaxweynaha Kenya oo sheegay inuu si dhow ula shaqeyndoono madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto oo wareysi siinayay warbaahinta laga leeyahay dalka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay la shaqeyso madaxweynaha  Soomaaliya si loo xalliyo xasaradaha ka taagan geeska Afrika oo dhan.

Ruto oo madaxweyne ku xigeen usoo noqday Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay adag tahay in la maareeyo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, balse waxa uu qiray in uu horey si dhow ula soo shaqeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in si kastaba ha ahaatee uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo beesha caalamka si loo xaliyo xaaladda cakiran ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in uu aad ugu dadaali doono in Soomaaliya ay ilaaliso amnigeeda.

“Soomaaliya waa lawska sida loo jabiyo, waxaan la soo shaqeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud. Caqabadaha Soomaaliya soo wajaha waxay suurta gal ka dhigtaa in Soomaaliya ay wax ka qabato amnigeeda,” ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.

Madaxweynaha Kenya marna kama uusan hadlin mustaqbalka ciidamada Difaaca Kenya ee ka howlgala Soomaaliya in ka badan 10 sano. Ku dhawaad 3,500 askari ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika [ATMIS].