DAAWO:- Itoobiya oo kacabsi qabta Xasan Sheekh.

Warbixin uu baahiyay Telefishinka dawladda Itoobiya ayaa looga hadlay xariirka aan wanaagsaneyn ee ka dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Warbixinta oo ku baxday afka Ingiriiska ayaa lagu sheegey in ururka gobolka Tigray ee TPLF ay iskudayayaan in Madaxweynaha Soomaaliya, uu qaado tallaabo ka dhan dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, Telefishinka Itoobiya ayaa sheegay in xubno kamid ah saaxiibada dhow ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku dayayaan in la xumeeyo xariirka Soomaaliya iyo Itoobiya, si ay gabaad u helaan ururrada argagixisada ah.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay “Haddii uu tallaabadaasi qaado waxa ay u horseedi kartaa in uu samaysmo urur ka daran Al-Shabaab” – Warbixinta laga baahiyey EBC ayaa intaas ku dartay.

Waxaa lagu xusay warbixinta in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu xariir wanaagsan la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, taasna ay horseeday in guulo laga gaaro dagaalka argagixisada.