Xasan Sheekh oo saacado kadib kulankii Madasha Qaran dalka ka dhoofay, kana qeyb galaya..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Mohamud ayaa caawa ka dhoofay Magaalada Muqdisho, saacado yar kadib markii uu soo xiray shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee Caasimadd dalka Kenya, isagoo halkaasi uga qeyb geli doona xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Samoei Ruto ooBerri ka dhaceysa Nairobi.

Waa socdaalkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Kenya muddo laba bilood gudahood ah, isagoo hore dalkaasi u booqday bartamihii bishii July 2022, bil kadib markii dib loo doortay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu aakhirka bishan u dhoofo dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka qeyb geli doono shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay.