Qoorqoor oo noqday Madaxweynihii ugu danbeeyay ee xilka kororsada Maamul Goboleeyada.

Madaxweynaha Galmudug iyo Baarlamaanka maamulkaasi ayaa maanta muddo 15 bilood ah kororsaday mudaddii xil heynta, isagoo noqdy madaxweynihii ugu dabeeyay madaxda maamul Goboleeyada ee tallaabadan ku dhaqaaqa.

Baarlamaanka Galmudug ayaa muddo kororsiga darteed wax ka bedelay Dastuutkii lagu dhisay Maamulkaasi, waxaana mudadda xil haynta Hay’addaha Baarlamaanka iyo fulinta ee Madaxtooyada lag adhigay 5 sano.

Arrinan ayaa la sheegay inay Baarlamaanka Galmudug hor geeyeen oo is hoose yuga soo shaqeeyaan madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmduug, waxaana oggolaaday 56 xildhibaan, sida uu ku dhowaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Madaxweyne Qoorqoor oo la doortay bishii February sannadkii 2020, ayaa u harsanaa muddo ka yar 16 bilood, laakiin hadda wuxuu heystaa in ka badan laba sano.

Waxaa hore muddo kororsi u sameystay Madaxda Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.