Shirkii Madasha Qaran oo Heshiis la’aan kusoo dhammaaday iyo Shir kale oo la qabanayo.

Shirkii Madasha Qadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaalida iyo Dowlad Goboleedyada ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin arrimihii waaweynaa labada dhinac isk hayeen.

Waxaa laga soo saaray 7 Qodob oo guud, iyadoo aamn lagu soo qaadin qodobadda la isku mari la’ yahay ee qeybsiga dhaqaalaha, wadashaqeynta iyo muddo kororsiga madaxda maamul Goboleedyada qaarkood, waxaana lagu ballamay shir kale oo aan la cayimin xillliga uu dhcaayo.

2. QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKAN GWQ

Labadii maalmood ee shirkan socday waxa ay Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha

Wada tashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu, waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022.

Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada soo Socda.

1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka inay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.

5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.

6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

Shirka waxaa guddoomiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo socday 11-12 September 2022. Waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga.