Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Somaliya iyo Qoddobadii looga hadlay.

Golaha Wasiirada Xukuumada Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa manata yeeshay gay kulankii toddobaadlaha ahaa, waxaana looga hadlay xaaladda amniga, gurmadka abaaraha iyo safarradii uu galay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa waxa uu kaga warbiyey socdaalkii uu ku tegay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga wafdigiisa ay kaga qaybgaleen shirkii caalamiga ahaa ee #TICAD8 – kaasi oo intii uu socday Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qaybgalaysay shirka.

Wuxuu sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu uga warramay Golaha Wasiirada safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto gurmadka ay dowladdu billowday.

Waxaa kaloo kulanka warbixino ka jeediyay wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga oo xog ka bixiyay xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir arrimaha Gudaha ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Ma jirin wax go’aano ah oo laga soo saaray kulanka, iyadoo warar aan la xaqiijin oo soo baxay ay hore u sheegeen inay suuragal tahay ansixinta magacaabista Taliyeyaasha cusub ee ciidmaada Qalabka sida oo muddo dheer la sugayey.