William Ruto: “Ciidamadeena Somaliya uma joogaan Somalida darteed ee waxay u joogaan…

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee jooga Soomaaliya ay sii joogi doonaan inta howsha loo diray ay xaqiijinayaan, ayna ka baxayaan marka ugu horeysa ee howshoodu dhammaato.

Ruto ayaa sheegay in dalal badan ay Soomaaliya ciidamo ka joogaan, ayna leeyihiin isbaheysi iyo wad-shaqeyn, haddana uu muuqato iftiin markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu laba jeer la kulmay mudadda kooban ee uu xilka hayey.

Isagoo lagu wareystay France TV 24 ayuu Madaxweynaha Kenya ka gaabsaday inuu sheego waqtiga ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomalaiya, wuxuuna ku dooday in ciidamada Kenya ay Soomaaliya u joogaan danaha dalkooda Kenya.

Waxa aan u joogno Soomaaliya ma aha Soomaaliya darteed ee waxaa ‘danaha’ Kenya dartood oo aad uga badan tan Soomaalida..” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Kenya oo ka hadlayay in muddo 15 sano ah ay ciidamada Kenya joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku tilmaamay nin ay ka go’an tahay dagaalka Alshabaab, isla markaan uu yahay hoggaamiye mowqif cad leh iyo qorshe beesha caalamka u muuqda, isagoo rajo badan ka muujiyey hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh.