Diyaaradaha Drone-ka Turkiga oo ka qeyb qaadanaya Dagaalka Alshabaab ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in Dowladda Turkiga ay qeyb ka tahay dagaalka lagu qaaday Alshabaab ee ka socda Gobollada Dhexe ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay dagaalka kusoo biireen Diyaaradaha Drone-ka Turkiga ee wax duqeeya oo dhinaca cirka gacan ka siinayahowlgallada ka socda Dalka iy o dagaalka Alshabaab.

Fiqi ayaa xusay in Mareykanka uu markii hore dhinaca Cirka ka taageeri jiray ciidamada dowladda, haddana ay ku soo biiray dowladda Turkiga oo sidoo kale tababartay ciidamada ugu badan ee dowladda Soomaaliya ee Gorgor.

Markii la arkay in Dadka Soomaaliyeed dagaalamayaan oo wax iska celin karaan waxaa garab istaag u muujiyay Dowlado, Mareykanka ayaa ugu horreeyay, Turkiga ayaa kusoo biiray oo Hawada ka caawinaya & Dowlado kale oo sirdoonka naga taageraya” Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo ka qeyb galay dood uu qabtay Universal TV.