Siciid Deni oo xilkii ka qaaday mas’uulkii ugu cuslaa iyo Wasiirada cusub ee la magacaabay.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llahai Deni oo isku shaandheyn ku sameeyey Golaha Wasiirrada maamulkiisa, isagoo xilalkii ka qaaday xubno uu ka mid yahay wasiirkii ugu cuslaa maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirkii Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, waxaana loo magacaabay:

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Puntland.

2- Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

3- Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga

4. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

5. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

Dhinaca kale wareegto kale ayaa Jamaal Yuusuf Carab ayuu madaxweyne Deni u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA), iyadoo laga qaaday xilka Wasiirka Qorsheynta.