Weerar Alshabaab ku qaaday Wasaaradda Waxbarashada (Taliye iyo Weriye caan ah oo ku dhintay).

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, kadib weerar lagu qaaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Isgoyska Soobe, degmada Hodon.

Labada qarax ayaa ahaa kuwo culus, waxaana wararku sheegayaan inay geystaan qasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo a weli xaaladu kacsan tahay.

Dadka ku dhintay Weerarka waxaa ka mida: Taliyihii Saldhigga degmada Hodan Xuseen Cadceed Cismaan, iyadoo uu ku dhaawacmay Taliyaha Booliska degmada Waaberi, sidoo kale waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo askar, iyadoo uu weli socdo gurmadka, xaaladuna cakiran tahay.

Warar kale ayaa sheegaya in dadka dhintay uu ka mid yahay Wariye Maxamed Ciise Koonaa, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Booliska Soomaaliya, waxayna cidamadu xireen wadooyinka gala goobta qaraxa, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka.

Dadka ku dhintay waxaa ka mida hooyo iyadoo meyd ah gabar ay dhashay oo yar ay ciidamada kasoo qaadeen, taasoo baraha bulshada lagu baahinayo ciddii aqoonsan karta.

Waxaa la xaqiijiyay in xilliga qaraxyadu dhaceen ay xarunta wasaaradda ka maqnaayeen madaxda sida wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir, wasiir ku xigeenka iyo agaasimeyaasha intooda badan.

Waa markii labaad ee Alshabaab weerar ku qaadaan Xaruntan Wasaaradda Waxbarashada, waxayna weerar culus ku galeen sanadkii 2015 oo madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka hayey.