Ciidamo hor leh oo loo diray Aagga Masaajid Cali-Gaduud iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garow kale oo ku saabasan sidii ciidamada dowladda u qabsan lahaayeen degaanka muhiimka ah ee Masaajid Cali-Gaduud.

Degaankan oo Alshabaab u taqaan Towfiiq ayey xaaladiisu degan tahay kadib dagaallo culus iyo duqeyn ka dhacday labadii toddobaad ee ugu danbeeyay, waxaana weli ku sugan maleeshiyada Alshabaab oo dhufeyso waaweyn ka qotay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in halkaasi loo diray ciidamo cusub oo ka tirsan Kumaandooska Danab iyo Gorgor, waxaana saaka lasoo weriyey inay ciidamada dowladda ku sinqayaan Masaajidka, si ay dib ugu qabsadaan.

Ciidamada degaanka oo ku sugan Aagag 7 KM u jira Masaajidka oo dagaalkoodu hakaday ayaa hadda bilaabay inay dhaqaaqaan, iyadoo howsha ugu weyn ay tahay sidii meesha looga saari lahaa Miinooyin badan oo Alshabaab geliyeen dhammaan wadooyinka gala xaruntaasi.

Masaajid Cali-Gaduud ayaa ka mida xarumaha waaweyn ee Alshabaab ka xukunto Gobolka Sh/Dhexe oo ah goob isku xirta Gobollada Galgaduud iyo SH/Dhexe, waxayna difaac hore u tahay xarunta kale ee Aadan Yabaal oo ah goob ay ku sugan yihiin qaar ka mida madaxda sare ee Alshabaab.