Ninka ugu taajirsan Caalamka oo iibsaday Shirkadii Twitter iyo madaxdii oo la eryay.

Maalqabeenka ugu taajirssan dunida Elon Musk ayaa iibsaday Barta Bulshada ku xiriirto ee caanka ah ‘Twitter’-ka, isagoo noqday Milkiilaha cusub ee shirkaddan saameynta leh.

Lacagta uu bixiyey Elon Musk, kuna iibsaday shirkadda Twitter ayaa gaareysa $44-bilyan oo dollar, wuxuuna shaqadii ka eryay afar ka mida madaxtii ugu sareysay shirkadda oo ay ka mid yihiin: Madaxii Fulinta ee Twitter Parag Agrawal, Madaxa Maaliyadda Ned Segal iyo madaxa arrimaha sharciga iyo siyaasadda Vijaya Gadde.

Arrintan ayaa soo afjareysa muddo sanad ah oo maalqabeenka Elon Musk oo si weyn weyn u dhaliilaysida ay u shaqeyso shirkadda Twitter iyo inuu doonayo inuu iibsado, balse wuxuu sheegay inay tahay shirkad si xun loo maamulo oo isbedel u baahan.

Ninkan oo sidoo kale leh Baabuurta ku shaqeysa ee Tesla ayaa sheegay Shirkadda Twitter ka dhigi doono goob ka caaggan been abuurka, kana ilaalin doono inay noqoto meel naceybka iyo kala qeybinta lagu faafiyo, wuxuuna ka hor yimid in xisaabaha been abuurka ah ee diiwaan gashan.

Waxaa u qorsheysan inuu dhimo shaqaalaha shirkadda oo hadda gaaraya 7,500 qof. “Uma iibsan Twitterka inaan lacag badan ka sameeyo. Waxaan rabaainaan caawiyo bini’aadamka oo aan jeclahay” ayuu yiri Elon Musk.

Shirkadda Twitter ayaa xayirtay Boggii uu ku lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump markii lagu eedeeyay kicib naceyb, been faafin iyo qodobo kale, waxaana laga cabsi qabaa inuu milkiilaha cusub ee shirkadda uu dib u furo bartii Trump.