Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Dubai Ku Booqday Dhaawacyadii Qaraxyadii Soobe.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta booqday Isbitaalka Milateriga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxyadii ka dhacaya Laamiyaraha Soobe 29 bishii la soo dhaafey ee October.

Wasiirka oo ay wehliyeen Ku-Simaha Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Axmed Daahir Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa warbixino ku saabsan xaaladda bukaannadaasi ka dhageystay dhakhaatiirta Isbitaalka Abu Dhabi Military Hospital.

Dhakhaatiirta ayaa Wasiirka u sheegay in dhaawacyada ay si wanaagsan daweynta ugu socoto, isla markaana badankooda xaalkooda ka soo raynayo,  waxaana dalkaas la geeyay qaar kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas oo dalka wax looga qaban waayay, iyadoo hadda ay kasoo raynayso xaaladooda caafimaad.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daud Aweis oo xubin ka ah Guddiga Golaha Wasiirada ee Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 ayaa dhaawacyada Ilaahay uga baryey inuu siiyo caafimaad buuxa, iyagoo bedqabana uu Ilaahay dib ugu celiyo dalkoodii hooyo, waxaana uu dhakhaatiirta, dowladda iyo shacabka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed markii ay Khawaarijta Qaraxyo la beegsadeen dadka shacabka ah.