Diyaarado drone ah oo weeraray markab uu leeyahay bilyaneer Israeli ah.

Diyaarado drone ah oo sida bambooyin ayaa weerar ku qaaday Markab sida saliid cayriin oo uu leeyahay bilyaneer Israeli ah, meel u dhow xeebaha dalka Cumaan, xilli ay xiisad xooggan Israel kala dhaxeyso Iran.

Weerarka lagu qaaday markabka Pacific Zircon, oo sita calanka Liberia, ayaa dhacay habeenkii Talaadada, sida uu sarkaal ciidan oo ku sugan Bariag Dhexe u sheegay wakaaladda wararka AP. Sarkaalka ayaa codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu dhacdadan ka hadlo.

Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda, oo ah urur ganacsi oo fadhiggiisu yahay UK, islamarkaana la socda dhaq-dhaqaaqa maraakiibta gobolka, ayaa AP u sheegay “Waan ka war haynaa dhacdadan, waana la baarayaa xilligan.”

Markabka Pacific Zircon ayaa waxaa maamusha shirkadda Eastern Pacific Shipping ee fadhiggeedu yahay Singapore, waxaana iska leh bilyaneer Israeli ah oo lagu magacaabo Idan Ofer.

Shirkadda Eastern Pacific Shipping ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markabka Pacific Zircon oo siday gaas iyo saliid “lagu dhuftay gantaal” isaga oo maraya meel 240 km u jirta xeebta Cumaan.

“Waxaan xiriir la sameynaynaa markabka, mana jiraan warbixino sheegaya dhaawac ama saliid qubatay. Dhammaan shaqaalaha waa badqabaan waana la tiriyey,” ayey tiri shirkadda.

“Waxaa jira waxyeello yar oo soo gaartay markabka, balse ma daadan saliidda.”

Wakaaladda wararka AP oo wacday safaaradda Israel ee Abu Dhabi looma jawaabin. Sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradda difaaca Israel ayaa diiday inay ka hadlaan.

Warka ku saabsan weerarka ayaa sare u kac yar ku sameeyey qiimaha saliidda cayriin ee caalamka, wuxuuna gaaray $94 halkii barmiil.

Ayada oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda, ayaa tuhunka weerarka wuxuu durba ku dhacay Iran.

Tehran iyo Israel ayaa wxaaa sanado u dhaxeeyey dagaal dadban oo ka socda Bariga Dhexe, ayada oo diyaarado drone ah ay beegsadeen maraakiib ku xiran Israel dhowr goor. Sidoo kale Israel ayaa dhowr mar weerartay bartilmaameedyo Iran oo ku yaalla Syria.