Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odawaa Yuusuf oo la kulmay wafdi Ka socday Midowga Yurub.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha ciidanka xooga Dalka Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub iyo Sarakiil ka socda Xarunta dhexe ee Midowga Yurub.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kala hadlay Safiirka Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca howgallada socda iyo sidii Midowga Yurub ay uga gacan siin lahayeen La dagaallanka Khawaarijta.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidanka xoogga dalka iyo dagaalka iyo howlgallada ay ciidanku ka wadaan gobollada dalka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadato doorka ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo dhankooda ballanqaday in ay xoojinayaan taageerada ay siinayaan ciidanka.

Midowlga Yurub ayaa siyaabo kale duwan waxaa uu taageero u siiyaa ciidanka xoogga dalka, kaas oo ku aadan tabarradooda iyo qarashaadka qeyb kamid ah mushaaraadka ciidanka lagu kabo.