Wariyayaal Lagu Xiray Baydhabo.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugidda dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ay xabsiga u taxaabeen saddax wariye.

Wariyayaasha la xiray ayaa ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo ay doonayeen in ay ka safraan, iyaga oo ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Saddexda wariye ayaa kala ah Maxamed Ibrahim Bulbul Hanad Cali Guuled iyo Maxamed Bishaar, waxaana ay kamid yihiin mas’uuliyiinta ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.

Weriye Mohamed Ibrahim Bulbul oo ah Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha SJS; Hanad Ali Guled oo ah Xoghayaha Tababarrada SJS; iyo tababare saxaafadeed Maxamed Bishaar ayaa laga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo xilli ay safar u ahaayeen magaalada Muqdisho saaka oo Arbaco ah. Saraakiil ka tirsan Taliska Nabadsugidda KGS oo sida la sheegay ka amarqaata xafiiska Madaxweyne H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaana saddexda weriye ku qaatay baabuur nooca dusha ka furan (Cabdi Bile). Weli lama oga halka loo qaaday,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay SJS.