Shirka Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo lagu soo gebagebeeyey Muqdisho.

Waxaa shalay la soo gabagabeeyay shirweynaha caalamiga ah ee dhiiragelinta maalgashiga Somalia oo mudo laba maalmood ah ka socday magalaada Muqdisho.

Shirweynahaan oo ay soo agaasintay waaxda dhiiragelinta maalgashiga ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowladda federaalka  ee Soomalaiya taabagalintiisana ay iska kaashadeen Shirkadaha Hormuud, Salaam Somali Bank, BECO iyo Buruuj ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowlada federalka Somalia Mudane Xasan sheikh maxamuud , Raisuwasaare Xamza Cabdi Barre, wasiiro, hayโ€™adaha ka shaqeeya mashaariicda, ganacsatada, maalgashadayaal caalami ah iyo marti Sharaf kale.

Shirkaddaha Hormuud, Salaam Somali Bank, Beco iyo Buruuj ayaa inta uu shirka socday ka qeyb galay doodo ku saabsan maalgashiga iyo fursadaha wadanka ka jira iyaga oo sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay kaalin weyn ka qaateen dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ku maalgeliyeen in kadaban $2.5B.

Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee shirkadda korontada ee Beco oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in horumarinta korontada dalka ku maalgeliyeen $๐Ÿ๐Ÿ•๐ŸŽ,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ. Dhowaanna ay galeen heshiis ku kacaya $๐Ÿ๐Ÿ๐ŸŽ,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ oo ay ku maalgalinayaan tamarta cagaaran.

Agaasimaha ayaa sheegay in qiimaha korontada oo iminka ah 0.46 per kilowat qorshuhu  yahay in sanadka ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”  la gaarsiiyo  $๐ŸŽ.๐Ÿ, isagoo intaasi raaciyey in iminka ay u suura galiyeen wax ka badan nus malyuun guryo  iyo ganacsiyo ah iney helaan koronto jaban oo la isku haleyn karo.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya oo kalmado ka jeediyey shirka ayaa mar uu ka hadlaayey kobaca  isgaarsiinta dalka waxa uu yiri  โ€œTiknoolajiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta Soomaaliya waxaa laga sameeyay kobac fiican. Sanadkii 2020, Soomaaliya waxay noqotay ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Ÿ•-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ฎ๐ ๐ฎ raqiisan ๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐ž๐ญ-ka ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š. Waxay ku xigsatay India, maamulka Israel, Kyrgyzstan, Italy, Ukraine iyo Kazakhstan. Maanta, celcelis ahaan qiimaha ๐Ÿ๐†๐ waa $๐ŸŽ.๐Ÿ“๐ŸŽ.โ€

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข Xoor  madaxa ICT-ga ee shirkada Hormuud Telecom oo ka qeyb galay dood cilmiyeedyada ku saabsan horumarinta waaxda ICT da, iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee wadanka ayaa ka dhawaajiyey in si ay u horumariyaan adeegga internet-ka dalka, dadkuna u helo internet raqiis ah oo xawaare sare leh, in ay  magaalada Muqdisho ka hirgeliyeen wajiga koowaad ee adeegga internet-ka moobeelalda ee 5G kaasi oo la filaayo inuu kordhiyo kobaca kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa inta uusan  si rasmi ah u soo xirin shirka si weyn u boogaadiyey shirkadaha soomaliyeed ee maalgashtay wadanka una dhabar adeegay inee soomaliya so gaarsiiyaan meel lagu faani karo isagoo dhanka kale tilmaamay in ay Soomaliya iminka diyaar u tahay maal gashi calami ah.

Waxa ay ahayd markii ugu horeysay oo shir noocaan uu ka dhaco dalka iyada oo Ujeedadda shirkaani ahayd in lagu dhiiragaliyo dalalka ay safaaradaha ka joogaan dalka in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.