Sucuudiga oo martigelinaya shir madaxeed ay isugu yimaadaan Shiinaha iyo dalalka Carabtu.

Riyaad — Sucuudiga ayaa qorshaynaya inuu bisha December 9-keeda marti geliyo shir-madaxeed ay isugu imanayaan Shiinaha iyo dalalka Carabta, kaas oo la filayo inuu ka soo qaybgalo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen illaa saddex diplomaasi oo Carbeed oo ku sugan gobolka oo xog badan ka haya qorshaha shirkan.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa la filayaa inuu Riyadh soo gaadho bisha December 7-deeda, waxaana safarka madaxweyne Xi Jinping uu ku soo beegmayaa xilli ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Sucuudiga, taas oo salka ku haysa dhinaca Shidaalka iyo weliba walaaca ku saabsan saamaynta Shiinaha ee bariga dhexe oo sii kordhaysa.

Waxaa marti-qaadyo loo diray hoggaamiyayaasha bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka Shiinaha iyo Carabta, sida ay diblomaasiyiintu u sheegeen Reuters.

Xafiiska warfaafinta ee Sucuudiga iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Shiinaha oo loo diray fariimo wax lagaga weydiinayo safarka madaxweynaha Shiinaha iyo shir-madaxeedkan ayaan ka soo jawaabin.

Weftiga Shiinaha ayaa la filayaa inay heshiisyo badan la galaan madaxda ka soo qaybgelaysa shirka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinaca Tamarta, ammaanka, iyo maalgashiga, sidaas waxaa sheegay qaar ka mida diblomaasiyiinta oo aan faahfaahin intaas ka badan bixinin.

“Heerka metelaaddu wuxuu ku xidhnaan doonaa cidda uu dal waliba soo dirsado, iyo tirada hoggaamiyayaasha Carabta ee la filayo inay kulankaas ka soo qaybgalaan, waxaana la filayaa in dalalka qaarkood ay ugu yaraan soo diraan wasiiradooda arrimaha debedda” ayuu yidhi mid ka mida diplomaasiyiinta la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.