War kasoo kordhay tirada Dhimashada Qaraxyadii Soobe iyo Dad weli la raadinayo.

Waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay Qaraxyadii maanta ka dhacay Isgoyska Soobe ee lagu beegsaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in dadka ku dhintay labada qarax ay ku dhow yihiin 100, waxaana la xaqiijiyay in Isbitaalka Medina oo kaliya la geeyay meydadka 75 qof iyo dhaawacyo ka badan, waxaana sidoo kale meydad kale la geeyay isbitaallada kale ee magaalada.

Dhaawac qaraxyada ayaa sidoo kale gaaraya 200 iyo ka badan, iyadoo baraha bulshada ay hareeyeen tacsida dadka geeriyooday iyo qaar la baadi goobayo, waxaan isbitaaalada magaalada wareegaya dad raadinaya xubno qoysaskooda ka maqan.

Ma jiro wax qorshe cad ah oo ay qaadeen xukuumadda iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan sida loola tacaali lahaa musiibada ka dhacday Isgoyska Soobe.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha inta hadda la ogaaday kasii bato, iyadoo saameyntiisu sii kordheyso saacad kasta, waxayna magaaladu gashay xaalad murugo, iyadoo bilaabatay qeylo dhaanta ku saabsan in loo istaago gurmad la mida kii Soobe.