Madaxweynaha Somaliya oo Baaq aan hore loo arag u diray Beesha Caalamka, kadib Qaraxyadii Soobe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalalka beesha caalamka ka dalbaday inay Soomaaliya u soo diraan dhaqaatiir caafimaad iyo Dawo, kadib qasaarihii ka dhashay Qaraxyadii Alshabaab ku qaaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Isgoyska Soobe.

Kadib markii uu madaxweynuhu tegay goobta qaraxa ayuu dalalka dunida ugu baaqay inay dhaqaatiir caafimaad u soo diraan Soomaaliya, maadaama aysan suuragal u ahayn dhaawacyada faraha badan loo qaado dibadda.

“Waxaan walaalaha Soomaalida iyo dalalka caalamka ka codsaneynaa in Soomaaliya loosoo diro dhaqaatiir, ka kaalmeysa isbitaalladeena dhaawacyada qaarkood. Dadka tiradoodu intaas la eg tahay inaan dibadda u daabulno nooma sahlana…waxaan codsaneydnaa aqoonta naga maqan ee aan dibadda u aadeyno ciddii kari karta inay noo soo diraan..” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha dowladda faray inay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeeloobay Qaraxyadii Soobe, loona qabto dhammaan wixii la kari karo.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo ay qaraxyo dhacaan dibadda u qaada dadka dhaawacyada culus soo gaaraan, waxaana ugu wacan dhaqaatiir xumo iyo qalab yari heysata isbitaallada dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho.