Cabdalla Muumin oo Maxkamad la hor geeyay iyo Laba Qodob oo lagu soo eedeeyay.

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa maanta lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir, laba maalin kadib markii ciidamada NISA ay ka xireen Garoonka Muqdisho.

Qareenka u doodaya Avv. Dahir Carab ayaa sheegay in Xalay Xoghaye Cabdalla la geeyay Xarunta CID-da, saakana horgeyn loo geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo CID-da ay kusoo oogtay eedo ku saabsan inuu jebiyay xeerka Warbaahinta iyo baahinta muuqaallo sir ah.

Eedaha ayaa ku saabsan Go’aanadii uu dhowaan baahiyay Wasiirku xigeenka Warfaafinta iyo Muuqaalka ciidamada NISA ee Weerarray xafiiska SJS, labadaas arrin oo noqday denbiyada loo heysto Cabdalla Muumin.

Maxkamadda ayaa dalbatay inay caddeymo u keenaan qodobadda lagu soo eedeeyay, balse ay maxkamadda horkeeni waayeen xilligaasi, waxayna Maxkamadda dalbatay in caddeymaha eedaha loo heysto Cabdalla Muumin ay horkeenaan maxkamadda Axadda soo socota 16-ka Oktoobar.

Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo, isagoo sheegay inuu xabsiga ku jirayo ilaa looga caddeeyo denbiga lagu xiray ee lagu heysto.

Kiiska xariga Xoghayaha SJS ayaa warark la helay sheegayaan inuu ka danbeeyo mas’uul ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, isla markaana hadda loo raadinayo sidii denbi loogu yeeli lahaa.