Soomaaliya oo ka qayb galaysa Shirka sanad-laha ah ee Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qayb-galay furitaanka shirka sanad-laha ah ee Midowga Afrika, heerkiisa wasiirrada arrimaha dibedda  oo sanadkan looga hadli doono dardar gelinta iskaashiga dhaqaale ee Afrika iyo fududaynta ganacsiga ka dhexeeya dalalka qaaradda Afrika.

Shirkan oo hordhac u ah midka Madaxweynayaasha Qaaradda oo 18-ka bishan ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa sanadkan loogu tartami doonaa hoggaanka guddiyada kala duwan ee qaaradda, waxayna Soomaaliya rajo weyn ka qabtaa in ay ku guuleeysato hoggaanka mid ka mid ah guddiyada ugu muhiimsan qaaradda.