Dowladda Soomaaliya Turkey Ugu Deeqaday in Ba Badan 90 Million Lira.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay safaaradda Turkey ee Soomaaliya ku wareejisay lacag deeq ah oo lagu gargaarayo dadkii ku waxyeelobay dhulgariirikii ka dhacay Turkey horaantii Febraury oo ay ku dhinteen in badan 45 kun qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olale ay lacag uga aruurineyso dadweynaha iyo maamuladda dalka si ay u muujiso barbar istaag.

Soomaaliya oo la daalaadhacaysa abaar iyo colaado ayaa ka mid noqoneysaa dawladaha la damqaday Turkey ee gargaarka la gaaray ka dib saameyn xoog leh oo ka dhalatay dhul gariirkii ku dhuftay Turkey.

Dadka ay wax yeeladu soo gaartay ayaa waxaa ka mid ah arday Soomaaliyeed oo wax ka barangay halkaa.

Marka laga tago lacagta ay dowladda aruurisay, waxaa siyaabo kala gooni gooni ah lacag gargaar ah u geeyay safaaradda Turkey ee Soomaaliya iyo xarunta safaaradda Soomaalida ee Turkey shirkado iyo muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dalka Turkey waxaa ku nool jaaliyada balaaran oo iskugu jira qaxooti, ganacasato, arday iyo dad deegaan ah.

Turkey ayay dadka Soomaaliyeed ku xasuustaan gurmadkii uu u fididay Soomaaliya 2011 markii ay abaar ba’an ay ku dhufutay Soomaaliya.

Falanqeeyaasha ayaa ku sheegay gargaarka maanta ay dowladda gaarsiineyso Turkey mid barbar istaag ah oo wax badan ka tari kara xoojinta xiriirka labada dal iyo isku xirka ganacsiga muwaanidiinta.

Turkey ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo ay ugu horeyso ladagaalanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.