Muxuu yahay Guddiga uu magacaabay RW Xamse?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran oo qaabilsan Gurmadka Dhul Gariirka Turkiye oo dhacay toddobaad ka hor.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Xamse Cabdi Barre ayaa markii uu la tashaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Gudi u magacaabay inay isku xiraan, kana shaqeeyaan gurmadka Soomaaliya ay u direyso Turkiga, waxayna kala yihiin:.

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka — Mudane Xasan Macallin Maxamuud
  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha — Mudane Axmed Macallin Fiqi
  1. Wasiirka Waxbarashada — Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
  2. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
  3. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
  4. Suldaan Cabdiqani Qorane
  5. Cumar Xasan Maxamed
  1. Axmed Maxamuud Yuusuf
  2. Axmed Shirwac Maxamed
  3. Duniya Maxamed Cali
  4. Prof. Xuseen limaan