Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku heshiiyey iskaashi milateri oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Milliteriga ah ee ka dhaxeeya labada dal, xilli ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

War ka soo baxay difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha militariga Saraakiisha ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta labada ciidan iyo howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Warkan ayaa kusoo aadaya xilli labo maalin ka hor duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan kooxda argagixisada bishii May.

Oggolaanshaha in ka yar 500 oo askari loo diro ayaa ah mid ka soo horjeeda go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu dhammaan ciidamada Mareykanka uga saarayo dalka sanadka 2020-ka.