Arrimaha oo looga hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Qodobka ugu weyn ee Miiska saaran.

Waxaa maanta Caasimadda Muqdisho ka furmaya shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada, kadib markii uu isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan looga hadlayo laba qodob oo xasaasi ah oo kala ah: Dagaalka Alshabaab oo ka socda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, iyo sidii loogu baahan lahaa dalka oo dhan, isla markaana ay loo sameyn lahaa qorshe dagaal oo isku xiran iyo Arrinta Heshiiska Shidaalka oo dhowaan dowladda Xasan Sheekh la gashay Shirkadda Coastline Exploration oo si hoose looga doodayo qeybsiga lacagta laga helay saxiixa heshiiska oo gaareysa 7 Milyan oo Dollar.

Shirka oo ah kii saddexaad ee Muqdisho ka dhacay intii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Yusuuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Waxaa Muqdisho ku sugan madaxda dowlad Goboleedyada, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo weli ay hooseyso kalsoonida inta badan maamul Goboleedyada kala dhaxeysa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Puntland oo maamulkiisa hore uga hor yimid heshiisyada Shidaalka ee ay gasho dowladda Federaalka ayaa markan u muuqda inuu ka aamusay, waxaana la sheegay inuu jiro wadahadal hoose oo uu kula jiro Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxda maamul Goboleedyada oo xilligii ugu horeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh ku midoobay inay ka hor yimaadeen qaabka qeybsiga Lacagaha Soomaaliya ka heshay Bankiga adduunka ayaa mar kale ku heshiinaya qeybsiga 7-da Milyan ee laga helay heshiiska Shidaalka Shirkadda Mareykanka ee Coastline Exploration.