Go’aamo siyaasadeed oo kasoo baxay shir ay qabsatay mid kamid ah beelaha Somaliland.

Mid kamid ah beelaha daga Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo, ayaa shir ay Burco ku yeelatay, madaxweynaha Somaliland ku eedeysay in uu sharciga ku xadgudbay, waxayna soo saartay go’aamo taabanaya doorashooyinka.

Afhayeen go’aamada beesha warbaahinta u akhriyay, ayaa sheegay in beeshu ay go’aan ku gaadhay in la helo heshiis ay u dhanyihiin saddexda xisbi kahor inta aanu dhamaan muddo xileedka madaxweynaha Somaliland, si loo qabto doorashadii madaxweynaha.

“Beel waynta Garxajis waxay u taagantahay, wax wada lahaanshihii, niyad wanaagii iyo wadajirkii dadka reer Somaliland ay ku wada dhisteen dowladnimada, beeshu waxa ay go’aan ku gaadhay 13 November ka hor in la helo heshiis ay u dhanyihiin saddexda xisbi oo lagu qabto doorashadii madaxwynaha”.

Waxa uu sheegay in beeshu go’aan ku gaadhay in doorashada madaxtooyada lagu qabto mudadii farsamo ee ay soo gudbiyeen guddida doorashooyinku hadii ay taasi dhici waydana, anay wax doorasho ahi ka dhici doonin deegaamada beeshu dagto.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in beeshu deedifaysay muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyay madaxweynaha Somaliland, isaga oo sheegay in muddo kordhintaasi ay ka hor imanaysay sharciga, isla markaana anay ku iman heshiis loo dhanyahay.

Beeshu waxay ay ka digtay dhibaato ka dhalan karta jiitana doorashooyinka Somaliland, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in ay soo faragaliso, arrinta doorashooyinka, waxa kale oo ay codsatay in baadhitaan lagu sameeyo dadkii ku dhintay mudaharaadadii 11 Augost.