Senator Gaagaab oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Beeshiisa siiyey jagooyinkii Nafciga lahaa.

Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ahaa guddoomiyihii KMG aha ee Aqalka Sare iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilalkii Qaranka u wada magacaabay Beeshiisa.

Isgoo ka hadlayey kulan markii uu laabtay Puntland ayuu sheegay in doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya looga adkaaday Madaxweynaha Puntland, ayna ku qasbanaadeen inay la shaqeeyaan madaxweynah cuusb.

“Waxan rabaa inaan idin sheego Xukuumadda hadda jirta oo Xasa n Sheeh hoggaaminayo ka mid ayaanu nahay, laakiin saluug badan ayaa jira… Puntland qabiilooyin mudan oo laga tegay waa jiraan, laakiin annagu waxaan ku dadaaleynay inaan Puntalnd u keeno wasiiro tayo leh..”

enator Gaagaab wuxuu sheegay in wasaaradihii nafciga ahaa ay qaadtay beesha Madaxweynaha. “Waxaa xaqiiqo ah xukuumadda uu Xasan madaxda u yahay xulista ay sameeyeen, marka beel-beel loo eego meeshii dhaqaale leh ama fiican waxay qeyb ahaan u raacday Beesha uu Xasan Sheekh kasoo jeedo..” ayuu yiri.

Wuxuu ka sheekeeyay inay baqdin badan ka jirto dhinaca Amniga magaalada Muqdisho, ayna xaaladda kasii dareyso, ayna halis badan tahay in dibadda loo baxo.

Wuxuu ku baaqay dadka Puntland inay u midoobaan oo ka tashadaan aayahooda, isla markaana ay wadajir ku wajahaan wixii ay ka rabaan dowladda Federaalka.