Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Beeshii ka hor timid magacaabidda Yusuf Madaalle?

Kulankii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Galmaax ee ka hor yimid magacabaidda Guddoomiyaha G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kusoo dahmmaaday is-afgarad.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ahaa mid si toos ah looga dooday ballamo la sheegay inuu Madaxweynaha uga baxay iyo xilal ay ka doonayaan dowladda Federaaalka, arrintaas oo soo taxneyd ilaa sanadkii 2012.

Arrinta qarxisay kacdoonka Beeshan ayaa ahayd markii uu Xasan Sheekh Maxamuud xilka Guddomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay saaxiibkiis ka mida xisbigiisa Yuusuf Madaale, isagoo hore uga ballanqaaday Beeshan, waxaana markaas kadib dhacay gadood siyaasadeed iyo kulamo ay beeshan uga hor yimid Madaxweyne Xasan Sheekh.

Heshiiska is-afgaradka ah ee dhex maray Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beeshan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saabsan ballanqaad cusub oo ah inuu u magacaabayo xilal muhiim ah sida safiiro iyo agaasimeyaal, isagoo ka guddoomay liiska xilal dhowr ah oo ay sheegteen.

Lama oga sida uu heshiiskan u fuli doono, laakiin wuxuu si kumeelgaar ah usoo afjaray kacdoonkii beeshan oo ka mida Beelaha Madaxweynaha Soomaaliya kasoo jeedo, kaasoo halis heliyey dadaalkii Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah.