Shirkadda Coastline Exploration oo shaacisay Lacagta ay ku bixisay Saxiixa Heshiiska Shidaalka.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa faahfaahin ka bixisay heshiis xalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho oo ay la gashay dowladda Soomaaliya, kaasoo heshiis hore muran u dhaliyey oo dib loo habeeyay.

Madaxooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale xala shaacisay inay oggolaatay heshiiskii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, kaasoo uu hore u saxiixay Wasiirkii hore ee Batroolka C/rashiid.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa shaaciay inay lacag dhan 7 Milyan oo Dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. “Anagoo taageero ka helayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7m oo ah saxiixa heshiiska” aya lagu yiri qoraalka Shirkadda.

Waxay rajo ka muujisay lagu guuleysto soo saarista shidaalka, ayna filayaan inay siiyaan Soomaaliya malaayiin dollar oo kale ah lacagaha loo yaqaan ‘royalty’, faa’iido kala qaybsiga iyo cashuurta dakhliga.

Shirkadda waxay shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud uu ogolaaday heshiiskan, sidaas darteedna ay ku dhawaaqayaan inuu dalka Soomaaliya u furan yahay ganacsi iyo heshiisyada shirkadaha caalami ah.

Waxay sidoo Shirkadda taageero ka heshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Tamarta & Macdanta, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo badan.