DFS oo taageertay go’aankii boqortooyada Sacuudiga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay sharaaxaddii ay dowladda Sacuudiga ka bixisay go’aankii urur OPEC+ uu ku dhimay wax soo-saarka saliidda, kaasi oo ka careysiiyey dowladda Mareykanka. 

OPEC+ ayaa go’aankan qaatay 6-dii October, waxaana uu isku raacay in laba milyan oo barmiil laga dhimo wax soo-saarka saliidda, taasi oo Mareykanka ay u arkeen inay caawineyso Ruushka oo dakhliga xooggan ee soo gala ka hela shidaalka iyo gaaska, islamarkaana ay Reer Galbeedka saareen xayiraado. 

Dowladda Sacuudiga oo ka jawaabeysa eedaymahaas ayaa sheegtay in go’aanka OPEC+ uu ahaa mid dhaqaale oo kaliya, islamarkaana dalalka xubnaha ka ah ay qaateen ayaga oo isku dheeli tiraya shidaalka lasoo saaro iyo dalabaadka suuqyada caalamiga ah. 

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay garab is-taag xooggan u muujineysaa boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya sharaxaaddii ay ka bixisay go’aanka ururka OPEC+ uu ku dhimayo wax soo-saarka si looga fogaado qalqalka suuqa saliidda caalamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.  

Go’aanka Sacuudiga ayaa ka careysiiyey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wacad ku maray inuu jiri doono cawaaqib ka dhashay.

Xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka oo markii horeba xumaa ayaa hadda gaaray heerkii ugu hooseeyey, waxaana Mareykanka ay ka fakarayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin la joojiyo hubka ay Washington ka iibiso Riyadh.