Toogasho 5 Sano kadib lagu fuliyay Askarigii Dilay Wasiir ka tirsanaa Dowladii Farmaajo.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo ahaa Dil-suge, markii lagu helay dilka Wasiirki Howlaha Guud Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo ka tirsanaa dowladii Farmaajo.

Wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji ayaa ku dhintay rasaas uu furay askariga maanta la toogtay 4-tii May 2017 Dilay, wuxuuna muddo 5 sano ah ahaa maxbuus, iyadoo aanu dilkiisa ogolaan Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Askariga la toogtay ee Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid waxay Maxkamadda Ciidamada ku heshay inuu dilay Wasiirkii Howlaha Guud Ee Xukuumadii Ra’iisal wasaarae Xasan Cali 2017, kaasoo ahaa wasiirka ugu da’da yar Golaha Xukuumada.

Toogashada Askariga ayaa ka dhacday dugsiga tababarka Gen- Gordan ee magaalada Muqdisho. Wuxuuna kiiskan ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa ee ay wajahday dowladii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, balse aysan ku guuleysan inay cadaaladiisa fuliyaan.